U bood dhigaalka

Taliye Xijaar: Majiraan Booliis Xirtay Villa Hargaysa,Booliiskuna Maba Ilaaliyo

Sheeko:Amniga

Taliayaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneral Cabdi Xasan Xijaar ayaa ka hadlay halka uu marayo diyaar garowga ciidanka ee dooorashada guddoonka golaha shacabka oo lagu wado in barri ay ka dhacdo Teendhada Afisyooni ee xerada Xalane, waxaana uu gaashaanka u daruuray in Booliisku diiday xarunta Villa Hargaysa.

“Caawa waxaan usoo jeednaa inaan Teendhada Habeen barkii tagno oo Ciidamo iyo Eeyo baara geyno,liiska dadka imaanaya anaga waxaa noosoo gudbinaya guddoomiyaha KMG ah ee golaha aqalka hoose iyo aqalka sare iyo xog-hayeyaasha sidii maanta la yeelay,waana been in boolisku u diiday guddoomiyaha KMG ah u diiday Villa Hargeysa iyo Teendhada Afisyooni yaan ummadda la jahwareerin” ayuu yiri xilli uu warbaahinta la hadlayay.

Taliaha ayaa sheegay in xarunta Villa Hargaysa aysan ilaalin ciidamoo ka tirsan Booliiska, waxaana uu carabka ku dhuftay inaan xitaa loo ogoleyn cid waliba in ay tagto, waxaana uu sheegay inaan sababo amniga looga tagin Villa Hargeysa ee guddooka Kumeel gaarka ah ay ka dalbadeen in doorashadu ay ka dhacdo Xalane sida uu yiri.

“Midda kale aan rabo inaan waadixiyo ayaa ah  Villa Hargaysaa La xirtay oo dadka laga eryey, Villa Hargeysa Booliis maba ilaaliyo, ciidamo kale ayaa ilaaliya, aniiga fasax la,aan magali karo, maantana shaqo kama socon, guddoomiayaha GMG aqalka hoose shalay ayuu nala joogay, waxaa uu yiri  meeshaas amni maahan oo  waan Teendhada ayaan shaqadeena ku qabsanaynaa, saakay cid joogtay oo aan annagu ognahay malahan, kalfadhiga markii uu jiro ayaan tagnaa, ciidan Booliis ah oo meel xirtay ama joogay ama maanta shaqo ku leh magaba jirto”

Hadalka kasoo yeeray taliye xijaar ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo wararka ay sheegayaan in Villa Hargaysa la dhigay ciidamo gaar ah kuwaas oo diiday in la galo xarunta, waxaana jirtay in maalinimadii shalay ciidan ka tirasan dowladda ay hor istaageen goobtii lagu dhaarinayay xildhibaannadii lagu soo doortay Ceelwaaq Gedo.

Goobjoog News