U bood dhigaalka

Taliye Xijaar oo Amar Siiyey Taliyeyaasha Booliiska Gobolka Banaadir

Sheeko:Amniga
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta shir la qaatay Taliyeyaasha Booliiska, Qaybta Guud ee Gobolka Banaadir, Qaybaha iyo Saldhigyada 17-ka Degmo.
Shirkaas ayaa looga hadlay adkaynta amniga guud , gaar ahaan  kan caasimadda Muqdisho iyo dardar gelinta sugidda amniga doorashooyinka dalka oo maraya meel gabogabo ah.
Taliyaha ayaa Saraakhiisa Ciidanka Booliska faray in si weyn looga hortago falalka liddiga ku ah amniga, ayna muujiyaanfeejignaad dheeraad ah oo dhanka amniga ah.
 Taliyaha Xijaar ayaa faray saraakiisha in la labo jibaaro dadaallada sugidda amniga guud ee dalka iyo kan caasimadda, inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan oo maalmo naga xigaan.
Goobjoog News