U bood dhigaalka

Taliye Xijaar oo Xilka Laga Qaaday iyo Taliye Cusub oo Loo Magacaabay Booliiska Soomaaliyeed

Sheeko:Amniga
Shirka Golaha Wasiirrada oo uu maanta guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu ansixiyey heshiiska aasaasidda Ciidamada Bariga Afrika,iyadoo lagu magacaabay  Taliyaha cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed,kaas oo badalaya Cabdi Xasan Xijaar.
Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu danbeeyey ee amni iyo howlgallada dalka looga xoreynayo kooxahaAl-shabaab , iyadoo toddobaadkan guulo waawayn ay ciidamada qalabka sida iyo bulshada deegaanku ka gaareen dagaalka kooxda , isla markaana jab wayn la gaarsiiyay.
Kadib soo jeedinta wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi golaha ayaa isku raacay in S/Guuto Sulub Axmed Firin uu noqdo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaa Goluhu ansixiyay Heshiiska aasaasidda ciidamada heeganka ah ee Bariga Afrika oo ay ku jiraan sagaal waddan, oo ay kamid tahay Soomaaliya.
Taliyaha cusub ayaa waxaa uu xilka kala wareegi doonaa Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, kaas oo xilkaan loo magacaabay 19-kii Augoutst sanadkii 2019, waxaana muddooyinkii dambe soo baxayay hadal heynta ku aadan in laga qaadayo xilka, kadi afar sano, waxaa uu banaynaa taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed sanadkaan 2023-ka.
Xilka ka qaadiska taliyaha ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa iyadoo 23-kii bisha dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay  weerar ku qaadeen xarunta dowladda hoose ee Xamar, waxaana sidoo kale ka horeeyay weerarkii lagu qaaday hotelka Villa Roos, iyadoo la xasuusto mahadhadii Soobe 2 29-kii December 2022 tan, kaas oo dhaliyay khasaare badan.
Goobjoog News