U bood dhigaalka

Taliye Zakiya oo Farriin Amni u Diray Xildhibaannada La Doortay

Sheeko:Amniga

Zakiya Xuseen oo ah taliye xigeenka booliiska Soomaaliya ayaa farriin amni u dirtay xildhibaannada cusub ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya iyada oo ka dalbatay in aanay tagin meelaha dadka isugu yimaadaan sida biibitooyinka iyo maqaayadaha.

Qoraalka Taliyaha ayaa u qornaa sidan:

Talo ku socota xildhibaanada cusub gaar ahaan kuwa hori u soo qabanin xilal dowliyeed

Iyadoo bisha barakeysan ee Ramadan inagu soo food haysa hadana badankiin magaalada Xamar ku soo wada xaadiri doontaan si loo dhameystiro doorashada dalka ka socota waxaan idinku boorinaayaa inaad fejignaantaan kana fiirsataan goobaha aad tagtaan iyo dariiqyada aad isticmaashaan. Waxaana idinka codsanaa inaad yareeysan tagida goobaha dad weyna iskugu imaadaan sida biibitooyinka iyo maqaayadaha.

Ogoow hadaa shalay ahayd qof shacab ah manta waxaa tahay masuul dad matala. Waxaase ogaataa waxa ugu weyn oo naf badbaadiya ma aha ciidan ee waa fejignaanataada.

Hadaa dareentid amni daro ama u baahatid gargaar la xiriir ciidanka boliiska adigoo wacaaya numberka 991.

*Facaaga ugu ficil roonoow

Haka fogaan cibaadada

Hana ku falaadin masuuliyada*

FG; Tani waa iga talo mana ahan cabsi gelin ama “ku dhaxmilin siyaasadeed” ee yaan la iga ciyaarin dardaaranka hadaa ahlul tawxiid tihiin