Taliyeyaasha Ciidamada NISA, Booliiska Iyo Asluubta Oo La Magacaabay

Shir degdeg ah oo golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu magacaabay taliyeyaasha ciidamada Booliiska, NISA, iyo Asluubta.

Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe)- ayaa loo magacaabay taliyaha ciidamada Asluubta, xilkan horey ayuu usoo qabtay, waxaana ka qaadday dowladdan uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Bashiir Cabdi Maxamed ayaa isna loo magacaabay Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, horay wuxuu u ahaa ku xigeenkii taliyaha ciidnaka Booliska.

Xuseen Cismaan Xuseen, waxaa loo magacaabay taliyaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka (NISA) waxa uu kamid ahaa xildhibaannada golaha shacabka, wuxuuna sidoo kale ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News

Related Articles

2 Comments

  1. SAM CUNNINGHAM AT STAMFORD BRIDGE: Antonio Conte warned Eden Hazard is only going to get better after the Belgian looked back to his best as he took apart Burnley in Chelsea’s win. Chelsea 3-0 Burnley: Eden Hazard, Willian and Victor Moses lead Antonio Conte’s side to a comfortable victory at Stamford Bridge

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW