U bood dhigaalka

Taliyihii Booliska Dhuusamareeb oo Faahfaahin Ka Bixiyay Sababtii keentay iscasilaaddiisa

Sheeko:Amniga

Waxaa xalay saq dhexe xilkii iska casilay taliyihii booliska Dhuusamareeb dhame Burhaan Axmed isaga oo faahfaahin ka bixiyay sabatii keentay iscasilaaddiisa.

Taliyaha oo isla xalay shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Galmudug ayaa sababta iscasilaaddiisa ku micneeyay arrimo la xiriira awood sheegasho isaga ka sareysa oo loo geystay waxa uuna hoosta ka xariiqay in shaqsiyaad looga shakiyay Al shabaab oo uu xiray in saacado ka yar 10 saacaddod ka dib xabsiga laga sii daayay iyada oo aan la marin wax baaritaanno.

Sidoo kale taliyahan xilka banneeyay ayaa tibaaxay in shabakad isku xirnayad oo ay taleefanadooda ka heleen xog muujinaysa inay xiriir la leeyihiin Al shabaab kuwaas oo xabsiga la dhigay si baaritaanno dheeri ah loogu sameeyo in loo fakiyay dhinaca magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud waxa uuna intaas ku daray in madaxda ka sareysa isaga inaysan ku aaminin xilka loo igmaday.

Dhame Burhaan Axmed ayaa horey uga mid ahaa saraakiishii Ahlu Sunna ee lagu biiriyay ciidanka dowladda federaalka ah waxaana xilkan uu haatan iska casilay loo magacaabay 22-kii Febaraayo ee sanadkan waxa uuna ka mid ahaa saraakiisha ugu firfircoon ee ka howlgalaysay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Goobjoog News