U bood dhigaalka

Taliyihii Booliska Saldhigga Boondheere oo Xilkiisa Ku Waayey Dilkii Xalay Ka Dhacay Degmada

Sheeko:Amniga

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya jeeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta xilka ka qaaday Taliyihii saldhigga booliiska degmada Boondheere ee gobolka Banaadir Najiib Carab, kadib markii askari  ka tirsan ciidanka uu maamulo ee saldhigga Boondheere uu xalay dilay laba qof oo shacab ahaa oo midi aheyd haweeneey.

Taliyaha oo maanta shir jaraadir ku qabtay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeyo la la xisaabtami doono askarta dhibka u geysata shacabka iyo taliyayaasha ay ka amar qaataan.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa maanta ruxay dibad baxyo ay dhigayeen dad ka careynaa dil habeenimadii xalay loogu geystay degmada Boondheere labo ruux oo mid ka mid ah ay aheyd haweeney dhalaneed labo asbuuc kuwaas oo hal askari uu toogtay iyagoo dalbanayey in cadaladda la horkeeno  askarigii geystay falkaas.

Taliye Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in iyada oo la tix galinayo cabashada dadka in bandowga waqtigiisii hore dib loogu celiyay kaas oo ahaa 8:00 fiidnimo inuu bilawdo, waxa uuna sheegay in amarkaan uu yahay amar madaxweyne ka dib markii shacabku xamili waayeen bilaabashada 7:00 habeenimo.

Goobjoog News