U bood dhigaalka

Taliyihii Ciidamada NISA ee Dhuusamareeb Oo Qarax Lagu Dilay

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa sheegaya in qarax miino lagu dilay taliyihii Ciidamada NISA cabdirishiid cabdinuur qooje.

Qaraxa oo ka dhacay inta u dhaxeeysa deegaanka Ceel dheere iyo Magaalada Dhuusamareeb ayaa lala eegtay kolonyo ciidan uu la socday Taliyaha , waxaana halkaas ku geeriyooday Taliye Qooje Yare iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee qaraxa, wararka naga soo gaarayo ayaana sheegaya in uu iska hor imaad kooban xubna ka tirsan Alshabaab iyo ciidamada dowladda uu halkaas ku dhex maray .