U bood dhigaalka

Taliyihii Hore Ee Ciidanka Daraawiishta Puntland oo Geeriyooday

Sheeko:Amniga

Allah u naxariistee waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ku geeriyooday, taliyihii hore ee ciidamada daraawiishta dowladda goboleedka Puntland S/Guuto Cabdirisaaq Sheikh Cusman Axmed.

Marxuumka ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanaa Isbitaalka yallo magaalada caasimadda u ah dalkaasi, taliyaha ayaa ugu dambeyn maanta ku geeriyooday gudaha Isbitaalka.

Allah u naxariistee S/Guuto Cabdirisaaq Sheekh Cusman Axmed ayaa ka mid noqday saraakiisha ciidamada dowlad goboleedka Puntland,  waxaan xilka taliyaha loo  magacaabay 2007, xilligii Xukuumaddii Maxamuud Muuse Xirsi Boqor (Cadde Muuse).

Taliya ayaa  wuxuu kamid ahaa saraakiishii Ciidamada Militariga Soomaaliya ee xilligii dowladdii Kacaanka, waxaana la xiray 1978, kadib inqilaab fashilmay oo hoggaaminayay walaalkiis Maxamuud Sheekh Cismaan (Cirro) isagoo xirnaa ilaa 1990.

Goobjoog News