U bood dhigaalka

Tallaalka Jadeecada Oo Kismaayo Ka Billaabanaya

Sheeko:Caafimaadka

Hay’adda carruurta ee Qaramada Madoobe UNICEF ayaa daboolka ka qaaday in magaalada Kismaayo iyo hareeraheeda ay ka billaabi doonto talaalka cudurka Jadeecada.

War ka soo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in 54.000 oo carruur ah inay ka talaaleyso xannuunka Jadeecada kaasoo muddooyinkii dambe ku soo badanayay magaalada Kismaayo iyo degaannada ku xeeran ee gobolka Jubbada Hoose.

Sida ay sheegtay hay’adda 704 kiis oo cudurkaasi ah oo laga helay gudaha Kismaayo waxay u badan yihiin carruur.

Warbixinta ay hay’addu soo saartay ayaa lagu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay hay’addu ku geysay 55.000 oo ah talaalka cudurka Jadeecada.

Cudurka Jadeecada ayaa fara ba’an wuxuu ku hayaa dad u badan carruur waxaana qaarkood Isbitaalka Kismaayo looga keenaa degaanno Kismaayo u jira qiyaastii 30KM, wuxuuna kamid yahay cudurrada inta badan carruurta Soomaaliyeed xilliyo kamid ah sanadka ku dhaca hase yeeshee waxaa loo heli karaa tallaal.

Todobaadkii tegay ayay ahayd markii la soo sheegay 419 qof inuu soo ritey cudurkaasi iyadoo 302 kamid ah dadkaasi ay yihiin carruurta da’dooda ka yar tahay shanta sano.

Goobjoog News