U bood dhigaalka

Tallooyin Ku Saabsan Nooca Guddoomiyaha Uu Yeelan Doono Golaha Shacabka

Sheeko:Dalka

Xildhibaannada golaha Shacabka ee Baarlamaanka waxaa laga filayaa in muddo labo todobaad gudaheed ay ku soo doortaan guddoomiyaha cusub ee golaha Shacabka .
Odayaasha dhaqanka ayaa sheegaya in loo baahanyahay in xildhibaannada golaha Shacabka ay ka fiirsadaan cidda ay u dooranayaan guddoomiyaha golaha Shacabka.

Haddaba guddoomiye nuucee ah ayuu xilligan u baahanyahay golaha Shacabka waxaa arrintaasi ka hadlaya Suldaan cabdicasiis Beele oo la hadlay Goobjoog News waxaa uuna yiri.

“Waxaan kula talinayaa Baarlamaanka una sooo jeedinayaa in guddoomiyaha Baarlamaanka aysan ku qeybsamin, waa inuu noqdaa nin aqoon leh, waa inuu noqdaa nin ay umadda u sinantahay oo garsoora, waa inuu noqdaa nin dalkiisa aad u jecel oo aan shisheeyaha uusan jecleyn, waa inuu ahaadaa mid dhameystiraya dastuurkan qabyo qoraalka ah”.

Dhinaca kale Caaqil Muumin Giriik ayaa soo jeedinaya in ay xildhibaannada ay ka fiirsadaan cidda ay u dooranayaan guddoomiyaha golaha Shacabka.
“Xildhibaannada ayay ku xirantahay sida uu noqonayo shir guddoomiyaha, haddii ay yihiin sida aan hadda ku arkeyno hoos ayaa loo sii soconayaa haddii ay wax is badalaanna meeshaas waxbaa ka soo baxaya”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa usoo jeediyey baarlamaanka federaalka in ay dardargeliyaan meelmarinta hindise sharciyeedka, sidoo kalena ugu baaqay iney kormeer joogto ah ku sameeyaan howlaha xukuumadda.

“Baarlamaankana waxaan usoo jeedinayaa iney dardargeliyaan hindise sharciyeedyada ay xukuumadda usoo gudbisay oo ahmiyad weyn u leh dalka, waxaan kaloo aan halkaan ugu baaqayaa baarlamaanka in kormeer joogta ah ku sameeyaan xukuumadda iyo laamaha kala duwan ee dowladda, waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa iney garab istaagaan  dowladda, ayna la shaqeeyaan hay’adaha amniga ah si loo xaqiijiyo nabadgalyada dalka, dowlad aysan shacabka garab taagneyn ma shaqeyn karto” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay madaxweynaha.

Goobjoog News