U bood dhigaalka

Tanaasulka Musharixiinta Iyo Doorashada Berri

Sheeko:Amniga

Waxaa magaalada muqdisho aad looga dareemaya diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Xilli lagu wado in maalinta berri ah ay magaalada ka dhacdo doorashada madaxweynaha 10-aad ayaa waxaa durbadiiba tartanka ka haray musharixiin dhowr ah kuwaas oo horay isugu soo taagay tartankaan.

39-musharax oo isku soo diiwaangelisay xilkaan sidoo kalena jeediyay khudbadahooda musharaxnimada ayaa waxaa tartanka ka baxay 4 kamid ah labadii maalin ee la soo dhaafay.

Musharixiinta sanduuqa ka hor ka haray tartanka ayaa kala ah :-

Musharax Cabdikariin Xuseen Guuleed

Musharax Daahir Maxamuud Geelle

Musharax Maxmed Siiriin

Musharax Dr C/naasir C/lle

Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashada madaxweynaha 10-aad ee dalka, xilli ay xodxodashadii ugu dambeysay ee xildhibaannada iyo musharixiinta ay caawa ka socoto magaalada Muqdisho.

Caawa waxaa gebi ahaanba hakad la geliyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee magaalada Muqdisho, taas oo lagu wado in ay beri ka dhacdo doorashada madaxweynaha 10-aad ee dalka.

Ciidamo fara badan ayaa lagu arkayaa waddooyinka caasimadda, kuwaas oo shacabka ka celinaya adeegsiga waddooyinka qaar.

Magaalada Muqdisho ayaa si wayn looga dareemaya doorashada madaxweynaha, iyadoo baraha bulshada ay aad u qabsadeen shaqsiyaadka u sharaxxan doorashada kursiga ugu sareeyo ee dalka.

Goobjoog News