Tarsan “ cadaalad la’aanta dalka ka jirta waxay sii dheereynaysaa amni xumada iyo kala go’a umadda Soomaaliyeed” (Dhageyso)

TarsanGudoomiyahii hore ee gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, sheegayna in uu yahay gudoomiyaha xisbiga cadaaladda Bulshada ayaa sheegay in cadaalad darro uu sheegay in dalka ay ka jirto horsed u noqon doonto sii dheeraanshiyaha amniga darro iyo kala qeybsanaanta shacabka Soomaaliyeed.

Tarsan ayaa sidoo sheegay in loo baahan yahay helitaanka cadaaladda bulshada Soomaaliyeed, si looga gudbo dhibaatooyinka heysta umadda, loona helo horumar dhinacyo badan leh.

Wuxuu ku nuux-nuuxsaday in maamulka Somaliland ay ugu baaqayaan inuu la qaato aragtidani si loo gaaro midnimada shacabka Soomaaliyeed oo dagaaladii Sokeeye ee dalka qoloba meel ciirsatay.

Waxa uu sidoo kale Tarzan ka dhawaajiyay in jiritaanka cadaalad darrada heysta Soomaaliya inay sabab u yihiin dhibaatooyin iminka taagan.

Munaasabad shalay ka dhacday magaalada Muqdisho, waxa uu Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ku sheegay inuu yahay gudoomiyaha xisbiga cadaaladda Bulshada, kaa oo ka mid noqon doona xisbiyada dalka.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW