U bood dhigaalka

Tarsan “Gabdhaha Waxbartay Ma Ahan In La Xaqiro”

Sheeko:Dalka

Gudoomiyahii hore ee gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in aan la xaqiri karin xuquuqda ay leeyihiin gabdhaha waxbartay ee Soomaaliyeed iyo in fursad la siiyo gabdhahaasi.

Waxa uu sheegay in shaqooyinka inta badan loola cararo wiilasha, islamarkaana gabdhaha iyaga oo aqoon leh la’isku dayo in guryaha lagu hayo, isaga oo waalidiinta ku booriyay in fursad ay siiyaan gabdhahooda.

“Gabdhaha waxbartay ma ahan in la xaqiro, waa in lasiiyaa fursadooda, waa in aan guryaha lagu hayn, waxay ka qeybqaadanayaan dib u dhiska dalka, xafiisyada waalidiinta waxa ay geeyaan wiilasha, maa la geeyo gabadha” ayuu yiri Tarsan.

Hadalkaan ayaa Tarsan waxa ka sheegay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana kulankaan uu ahaa mid looga hadlayay gabdhaha waxbartay iyo dib u dhiska dalka.

Kulankaasi waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada, siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah maamulada degmooyinka Gobalka Banaadir.

Goobjoog News