U bood dhigaalka

Tarsan “Weli Guddiga Doorashada Kama Madax Bannaana Xukuumadda”

Sheeko:Dalka

Guddoomiyihii hore ee gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in weli guddiga doorashada uusan ka madaxbannaaneyn xukuumadda federaalka.

Tarsan oo maanta ka qeybgalay Barnaamijka Jimcaale Ee Goobjoog Fm ayaa sheegay in meesha laga saaray oo kaliya xubno gaar ah balse ay jiraan masuuliyiin kale oo weli xukuumadda ka tirsan kuwaas oo ku jira guddiga doorashada dadbadan ee 2016.

Sidoo kale mas’uulkan ayaa sheegay in guddigan ay weli ka mid yihiin xubno ka socda xafiisyada madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

“Weli guddigan ma madax bannaana, waxaa ku jira xubno ka socda xafiisyada madaxda sare ee dalka, waa in guddigan uu ka madaxbannaanaadaa siyaasiyiinta, waa in dib loo dhisa guddiga doorashada weli guddiga kama madax bannaana xukuumadda”

Xubnaha madasha wadatashiga qaran ayaa shalay isku raacay in xubnaha siyaasiyiinta ah laga saaro guddiga doorashada dadbadan.

Goobjoog News