U bood dhigaalka

Tartan Suugaaneed Lagu Soo Bandhigayo Hibada Hal-abuurka oo Ka Furmay Magaalada Hargeysa

Sheeko:Dalka

Magaalada Hargeysa waxa lagu daahfuray tartan suugaaneed u dhexeeya dhallinyaro kooxo ah oo ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka  iyo hal-abuur suugaaneed ku tartamaya.

Tartankan oo ay suurtogelisay wasaaradda warfaafinta iyo Akadamiyadda nabadda ee Somaliland, ayaa waxa ka qeybgalaya  18 hal-abuur iyo 6 kooxood oo ciyaaraha dhaqanka ah.

Agaasimaha Akadamiyada Maxamed Faarax Xirsi oo ka hadlay furitaankii tartan dhaqameedka ayaa sheegay in tartankani uu dhiirrigelin u yahay da’yarta si ay u bartaan una soo bandhigaan hal-abuurnimadooda;

“Tartankani maaha markii ugu horreysay ee akaadamigu arrimahan oo kale sameeyo, rag badan oo aad garanaysaan baa tartamadan caynkan ah ka soo dhex baxay, waxaad aad u xasuusataan oo caan ka noqday oo tartamadii ugu horreeyey raggii ku soo baxay ka mid ahaa abwaanno maanta Soomaalida dhexdooda caanka ah oo wax tarkoodii dadka gaaray”, ayuu  yiri Agaasimuhu.

Abwaan Hurre Walanwal oo ka mid ah abwaanada tartankan soo abaabulay  waxa uu dhallinyarada kula dardaarmay iney si hagar la’aan ah u soo bandhigaan  hibooyinkooda .

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Marwo Shugri Xariir Ismaaciil oo wasaaraddeeda ay qeybta dhaqanku hoos tagto waxay sheegtay iney u taagan yihiin soo noolaynta dhaqanka Soomaaliyeed.

“Wasaarad ahaan waxaanu diyaar u nahay ineynu soo dhaweynno wax kasta oo lagu nooleynayo dhaqanka ay ummadani leedahay, akaadamiga waanu ugu mahadcelinaynaa, ururrada ka soo qeyb galayna waanu u mahadcelinaynaa, waana idin soo dhaweeneynaa, waxaanad ku talogashaan inaad tihiin baalashii wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta”, ayay tiri Wasiir Shugri Xariir.

Dhallinyaradan ayaa ka kala timid lix gobol oo Somaliland ka tirsan, tartankan oo labo maalmood soconaya ayaa la filayaa iney dhalinyaradu kusoo bandhigaan hibadooda suugaaneed, iyadoo dhalinyaro farabadan oo gabayaa ah laga helayo gobollada kala duwan ee Somaliland.

Goobjoog News