U bood dhigaalka

Tartanka Da’yarta Muqdisho Talent Cup Oo Si Wanaagsan Loo Soo Gabagabeeyay 

Sheeko:Cayaaraha

Bil ka dib waxaa lasoo xeray tartankii Da’yarta ee Muqdisho Talent Youth Cup kaasoo oo ka socday garoonka kooxda Munashiibiya ee degmada Warta Nabada waxaana ka qeybgalay 32 koox oo ka kala socoday 17-degmo.

Xeritaanka tartanka waxaa kasoo qeyb galay guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdriraxmaan Cusmaan Yariisow wasiirka ciyaaraha iyo dhallinyarada dowladda Khadiijo Maxamed Diiriye,guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xiriirka kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed maamulka ciyaartooyda macaliiminta iyo taageerayaasha naadiga dowladda hoose iyo sidoo kale madaxda degmada Warta Nabada.

Guddoomiye ku xigeenka naadiga Muqdisho City Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji Dacar ayaa u mahad celiyay kooxihii tartanka ka qeybgalay,isagoo sheegay in ay joogteen doonaan sanad kasta tartamadan oo kale.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xiriirka kubbadda cagta dalka Cali Cabdi Maxamed Cali shiine ayaa qaban qaabadan tartankan kaga mahad celiyay maamulka naadiga Muqdisho City,isagoo intaa ku daray in dhallinyaradii  laga helay ciyaaryahan ay ka mid noqondoonaan horomarka kubadda cagta Soomaaliya.

Saddex koox ee ku guulaystay heerarka kala duwan ee tartanka Muqdisho Talent Cup ayaa ciyaartooydii soo gaarsiiyay heerka gabgabada Goobjoog u sheegay in ay ka qeyb galeen ciyaaro xiiso leh oo xamaasad badan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yariisow) ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanahay horomarka ciyaaraha kala duwan ee ka socoda degmooyinka Gobolka ka maamul ahaan ay qaateen siyaasad ah horomarinta iyo gar istaagida dhallinyarada jecel xirfada isboortiga.

Wasiirka ciyaaraha iyo dhallinyarada dowladda Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa bogaadisay da’daalka ayaa caasimada ka wadaan naadiga dowladda hoose ee Muqdisho City Club dhallinyarada kasoo baxday ciyaaryahan iyo kuwa kale oo ka socda degmooyinka Gobolka lagu gaabi doono kooxaha iyo xulka qaranka.

Si kastaba heerka afar iyo toban jirada ee Muqdisho Talent waxaa ku guulaystay da’yarta Muqdisho oo ka dhisan degmada Warta Nabadda, heerka 17-jirada waxaa iyagana hantay kooxda Badbaado oo ka dhisan degmada Kaaraan ,halka 11-jirada ay iyagan guulaysteen dayarta Muqdisho City Club oo ka aas aasan degmada Warta Nabada ee Gobolka Banaadir.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Xeritaanka Tartanka Da’yarta Muqdisho Talent Cup 2019

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/651849131995916/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle