U bood dhigaalka

Tartanka Dugsiyada Sarre Ee Idaacada Isboortiga Dalka Gool FM Cup Oo Muqdisho Ka Furmay

Sheeko:Cayaaraha

Garoonka Salaxa ah  ee degmada Xamar Jab Jab  waxaa ka furmay tartanka dugsiyada sarre oo loogu magac daray Gool FM Cup Koobkaan waxaa maal galineysa Jaamacadda Salaam, iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan 32 Iskuul.

Furitaanka Tartanka  waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yariisow) guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada gobolka Marwo Basmo Caamir Shakeeti, guddoomiyaha degmada martida loo ahaa ee Ismaaciil Oronjo, Cabdi Xakiin Dhaga-Juun iyo Mahad Cilmi oo iyaguna ah guddoomiyaasha Hodan iyo Waabari, guddoomiyaha Isboortiga gobolka Mudane Xasan Wiish, Agaasimaha ugu sarreeya Goobjoog Media Group Xasan Maxamuud Maxamed iyo masuuliyiin ka socotay Jaamacadda Salaam iyo marti sharaf kale ayaa ku sugnaa garoonka.

Aggaasimaha Idaacada Ciyaaraha ee Gool FM Cabdullaahi Daahir Siyaad Dhakoos ayaa u mahad celiyay masuuliyiinta kala duwan ee ka soo qeyb gashay furitaanka tatanka  oo uu hoggaaminayo Duqa Muqdisho, isagoo dhanka kale mahad gaar ah u jeediyay Guddoomiyaha Degmada Xamar Jab Jab ismaaciil Oranjo oo ogolaaday in tartanka lagu ciyaaro degmada uu guddoomiyaha ka yahay.

“Gool FM oo fiirineysa jaceelka dhalintu ay u qabaan kubadda cagta  iyo in Iskuulada dhamaan ay is dhex-galaan isna bartaan  ayaa inagu qasabtay in tartankaan aan u qabano dugsiyada ku yaala caasimadda Muqdisho ayuu ku waramay agaasime Cabdullaahi Daahir Siyaad Dhakoos.

Gudoomiyaha isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Yabrow Wiish ayaa sheegay” Waa farxad weyn in Gool FM iyo Jaamacadda Salaam ay kaalin weyn ka qaadanayaan hormarinta iyo is-dhaxglka Isboortiga caasimada.

Ismaaciil Oranjo oo ah guddoomiyaha degmada Xamar Jab Jab ayaa sheegay in uu si weyn ugu riyaaqsan yahay in degmadiisa lagu marti-galiyo tartan kubadda cagta oo kaalin weyn ka qaadanaya hormarka gobolka Banaadir.

Cali Saciid oo ah madaxa xariirka Jaamacadda Salaam ayaa sheegay in Jamaacaddu ay mar walba diyaar u tahay dhiira gallinta iyo sarre u qaadista Isboortiga, waxa uuna sheegay in ay ku faaxsan yihiin kaalinta tartankaan ay ka leeyihiin.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay kaalinta muuqata ee Gool FM oo ay mar walba u garab taagan tahay Isboortiga Caasimadda, isagoo sidoo kale ku amaanay doorka Jamaacadda Salaam ay ka qaadaneyso tartankaan, waxa uuna ugu dambeyn furay tartanka dugsiyada sarre ee Gool FM Cup.

Sikastaba tartankan waxaa ka qeyb qaadanaya 32 iskuul oo ku yaala caasimada Muqdisho,waxaana iska kaashanaya  Goobjoog Media Group  iyo Jaamacadda Salaam.

Mahad Shariif-Gool Fm