U bood dhigaalka

Tartanka Guddoomiye Ku-xigeennada Golaha Shacabka Oo Wareegga 3aad La Aadey

Sheeko:Dalka

Waxaa hadda lagu dhaqaaqey natiijada rasmiga ah ee wareegga koowaad ee doorashada guddoomiye ku-xigeennada golaha shacabka.

Guddoomiye ku-xgeenka koowaad waxaa isku soo haray labo murashax oo kala ah: Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqadir iyo Cabdiweli Sheekh Muudeey halka ku-xigeenka labaadna isku soo hareen Cabdiqadir Sheekh Baqdaadid iyo Mahad Cabdalla Cawad.

Doorashada ayaa si toos ah loo aadi doonaa wareegga 3aad kadib markii ay ka tanaasuleen tartanka guddoomiyaha 1aad: Khadiijo Maxamed Diiriye(26 cod) iyo Saciid Xuseen Ciid iyo ku-xigeenka 2aad oo ay ka tanaasuleen Cabdiraxmaan Ibbi(36) iyo Burhaan(26 cod).

Murashaxiinta u tartamaya Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka:

  1. Xildhibaan Cabdiweli sheikh Ibrahim Muudey: 111 cod
  2. Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqadir: 94 cod
  3. Xildhibaan Jeylaani Nur Ikar: 4 cod
  4. Xildhibaan Khadija Maxamed Diiriye: 26 cod
  5. Xildhibaan  Khalid Macow Cabdiqadir: 7 cood
  6. Xihibaan Saciid Xuseen Ciid: 17 cod

Murashaxiinta u tartamaya guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee golaha shacabka:

  1. Cabdulkadir Sh. Cali Baqdaadi: 51
  2. Mahad Cabdalla Cawad: 71
  3. Burhaan Aden Cumar: 26
  4. Cabdulahi Xusen Cali: 8
  5. Cabdiweli Maxamed Qanyare: 12
  6. Xuseen Cabdi Cilmi: 14
  7. Cabdulahi Godax Barre:18
  8. ilmi Maxamed Nuur: 12
  9. Cabdiraxmaan Aden Ibarhim: 36
  10. Maryan Axmed Harun: 10.

Goobjoog News