U bood dhigaalka

Tartanka Lagu Xusayo Laacibkii hore Jeenyo Maxamed Xaaji Uurey Ayaa Muqdisho Ka Furmay

Sheeko:Cayaaraha

Tartanka lagu xusayo laacibkii hore kooxda LLP Jeenyo Gobolka Baay iyo Xulka Qaranka Soomaaliya Maxamed Xaaji Adam Uurey ayaa Muqdisho ka furmay waxaana ka qeyb galaya ilaa toban koox oo ka mid ah xidigihii hore kubbadda cagta Soomaaliya.

Sheekh Maxamuud Caddow oo ka yimid wadanka Canada ayaa isku tax luujiyay xusida laacibintii hore Soomaaliya,isagoo sheegay in ay xusidoonaan halyayadii hore isboortiga dalka si loo xasuusto taariikhda iyo wax qabadkooda dhinaca ciyaaraha.

Sidoo kale ciyaartooydii hore ee Dalka ee ka soo qeyb galay daah furka tartanka lagu xusayo halayaygii hore LLp Jeenyo iyo Xulka Qaranka Maxamed Xaaji Uurey ayaa iyagana sheegay in ay tahay wax wanaagaan in dib loo xasuusto laacibiintii Soo mara ee geeriyooday.

Baazi Maxamed Nuur oo ka mid ahaa xidigihii hore LLP Jeenyo waqti wanaagsan ay isla soo qaateen Maxamed Xaaji Uureey ayaa ka mahad celiyay dadka soo abaabulay barnaamijkan wuxuuna dhinaca ka shakeeyay waqtigigii ay isla soo qaateen.

Si kastaba Maxamee Xaaji iurey ayaa dhamaadkii sanadkii tagay 2019 ku geeriyooday magadala Toronto ee Wadanka Canada waxaana bahda isboortiga ay alle ugu baryeen in siiiyo janadiisa fardowso.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Furitaanka Tartanka Lagu Xusayo Laacib Uureey

https://www.facebook.com/GoobjoogNewsTV/videos/295077678200126/