U bood dhigaalka

Tartanka Maamul Goboleedyada Iyo Gobolka Banaadir Oo Maanta Ka Furmaya Magaalada Muqdisho

Sheeko:Cayaaraha

Tartanka Kubadda Cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020 ayaa ka furmaya Magaalada Muqdisho,waxaana ciyaarta ugu horeesa wada dheeli doono kooxaha Gobolka Banaadir iyo Galamudug oo kuwada jira Group A,waana markii ugu horeesay ay tartanka isku arkayaan labada dhinac.

Kooxda Gobolka Banaadir labadii sano horay ee la qabtay tartankan,waxa ay ku haraysay heerka labaad,balse sanadkan waxa ciyaartooyda Banaadir haminayaan hanashada koobka Maamulada dalka.

Ciyaartooyda Galmudug labadii sano ee la qabtay ee tartanka sooma dhaafin heerka Groupyada,balse is badal ay sameeyeen Wasaarada iyo Xiriirka waxa ay rajaynayaa in ay sanadkan iska dhaqaan ceebtaas.

Hogaamiyaasha labada koox ee kala ah Daadir Amiin iyo Axmed Tahliil,waxa ay kuwada ciyaareen garoonka Eng.Yariisow,iyagoo ciyaartooy kala ah kana matalayay kooxaha Banaadir Sports Club oo hada loo yaqaano Muqdisho City Club iyo Naadiga LLP Jeenyo,balse iminka waa tababaryaasha kowaad ee kooxaha Gobolka Bnaadir iyo Galmudug sanadka 2020.

Ogeysiiska Kulanka
Tartanka- Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir
Kooxaha-Gobolka Banaadir VS Galmudug
Taariikhda-20 December 2020
Maalinta-Axad
Saacadda-4:00pm
Cumilada Xiliga Ciyaarta-31℃                                                                                                                      Garoonka-Eng Yarisow Stadium

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle