U bood dhigaalka

Tartanka Maamul Goboleedyada:-Jubaland Oo Ciyaar Adag La Leh Koonfur Galbeed

Sheeko:Cayaaraha
Kooxda difaacnaysa tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee Jubaland ayaa soo dhawaynaysa dhigeeda Koonfur Galbeed oo ay kuwada jiraan Group B,waxaana labada koox ka dhaxaysa xifaaltan adag.
Sanadii 2017 ciyaartooyda Jubaland ayaa Koonfur Galbeed ku reebay heerka rubac dhamaadka tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.
Xidigaha Koonfur Galbeed oo si wanaagsan ugu diyaar garooway tartanka ayaa rajaynaya in ay soo bandhigaan wacdaro,iyadoo kulankan ay ka soo muuqan doonaan ciyaartooyda Jubaland koobka 2017 kula soo guulaystay oo iminka ka tiraan Koonfur Gabeed.
Tababrayaasha kooxaha Jubaland iyo Koonfur Galbeed waxaa si weyn looga yaaqaanaa kubbadda cagta Soomaaliya,iyagoo ka hor jagadan soo maamulayay kooxo badan oo kala dhisan Muqdisho iyo Kismaayo.
Sidoo kale Ciyaarta waxaa xiiso u yeelayo Macallin Qalindi iyo Tababare Geele oo ka mid ah macaliimiinta ugu sameynta badan Soomaaliya oo gadaal ka jooga ciyaaryahanada iyo tababarayaasha Jubaland iyo Koonfur Galbeed.
Ogeysiiska Kulanka
Tartanka- Maamul Goboleedyada iyo G/Banaadir
Kooxaha-Jubaland VS Koonfur Galbeed
Taariikhda-21December 2020
Maalinta-Isniin
Saacadda-4:00pm
Cumilada Xiliga Ciyaarta-
Garoonka-Eng Yarisow Stadium