U bood dhigaalka

Tartankii Iskuullada ee GOOL FM Cup oo la soo gabagabeeyey… + SAWIRRO

Sheeko:Cayaaraha

Waxaa la soo gabagabeeyey tartankii Iskuullada ee ay qabanaysay Idaacadda Gool FM, kaasoo loo bixiyey GOOL FM Cup.

Tartankan ayaa u dhexeeyey 32 iskuul oo ku yaala caasimadda waxaana lagu soo afmeeray degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

Kulankii Final-ka waxaa wada ciyaaray labada iskuul ee kala ah Hirgal iyo Al-Miftaax kuwaasoo kulankoodii ugu dambeeyey soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Kulankan ayaa markii labada iskuul ay barbaro isla dhaafi waayeen waxaa loo baahday in lagu kala saaro gool ku laadyo, waxaana rigooreyaal koobka ku qaaday iskuulka Al-miftaax.

Tartanakan waxaa taaba-galisay Jaamacadda Salaam, waxaana marti gelisay degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

Munaasabadii xiritaanka waxaa ka soo qeyb-galay guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng. Yariisoow, guddoomiyaha isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Wiish, maamulka Jaamacadda Salaam, maamulka degmada Xamar Jajab, ururka haweenka, Suxufiyiin, maamulka labada iskuul ee ciyaareysay taageerayaal fara badan oo u kala sacabo tumayey labada iskuul ee final-ka gaaray iyo marti sharaf kale.

Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay Agaasimaha Idaacadda Gool FM C/llaahi Daahir Siyaad Dhakoos oo ugu u mahadceliyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Eng. Yariisoow, guddoomiyaha Isboortiga gobolka Banaadir Xasan Wiish, Agaasimaha guud ee Goobjoog Media Group Xasan Maxamuud Maxamed, maamulka Jaamacadda Salaam, maamulka degmada Xamar Jajab iyo Ururrada haweenka oo uu sheegay inay garab ka siiyeen qabsoomidda tartankan.

“Ujeedada aan tartankan u qabannay haddii aan nahay Gool FM waxa ay ahayd inaan lafteennu dadka tusno sida aan uga qeyb qaadan karno horumarinta isboortiga dalka iyo horumarinta kubadda cagta Gobolka Banaadir iyo indhalinta Muqdisho ay isku arkaan, isku dhex-galaan oo ay ku saaxiibaan tartankan.” ayuu yiri Agaasimaha Gool FM C/llaahi Daahir Siyaad Dhakoos.

“Waxa uu koobku socday muddo bil ah, waxaana uu dhexmaray 32 iskuul oo isku arkay iskuna bartay, waxayna ahaayeen kuwo u bisil inay kubadda ciyaaraan oo ay ku saaxiibaan, iyadoo innaguna aan qeyb ka qaadanayno inaan ka turjunno nabadda taala Muqdisho.” ayuu hadalkiisa ku daray Agaasime Dhakoos.

Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Salaam oo ah Jaamacadda taaba-galisay tartanka oo goobta ka hadlay ayaa yiri: “Waxaan ku faraxsannahay inaan tartankan oo muddo bil ah soo socday uu maanta inoo soo dhammaado, waxaan u mahad celinayaa GOOL FM iyo guud ahaan goobjoog Media Group, tani waa qeyb ka mid ah howlaha ay qabo Jaamacadda, waxaan sidoo kale rabnaa inaan taabo-galinno tartanka Iskuullada Gobolka Banaadir ee bisha Ramadaan hadduu Eebbe idmo, waana joogteyn doonnaa taaba-gelinta tartammada noocaan ah.”

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow oo munaasabada ka hadlay ayaa dhankiisa yiri: “Waxaan ku faraxsanahay inuu maanta noosoo gabagaboobo tartankii muddo socday, waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Gool FM iyo Jaamacadda Salaam oo tartankan iska kaashay, si la mid ah degmada Xamar Jajab iyo shacabkeedaba oo mar walba iyo maalin waba heegan u ahaa tartankan.”

“Inaan dhiiri-gelinno dhallinyarada iskuullada waxay ka turjumaysaa sida uu maamulka gobolka Banaadir diyaar ugu yahay dhiiri-gelinta iyo garab istaagga guud ahaan dhallinyarada, waxaan rabnaa in magaaladaan ay noqoto magaalo dhallinyaro oo isboortiga laga ciyaaro” ayuu hadlakiisa ku daray guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn kooxda ku ciyaareysay magaca Al-miftaax ayaa la guddoonsiiyey koobka, sidoo kalena halkaas waxaa lagu bixiyey abaal-marinno ay ka mid yihiin xiddigii ugu fiicnaa tartanka, laacibka ugu goolasha badan, goolhayaha ugu fiican iyo wixii la mid ah sidoo kale waxaa la bixiyey shahaado sharafyo.

Sawrirrro Dheeri Ah:

 

W/Q-Haaruun Yuusuf Khasaaro

Gool Fm