U bood dhigaalka

Tartankii Lagu Xusayay Laacib Uurey Ayaa Si Wanaagsan Ugu Socda Muqdisho

Sheeko:Cayaaraha

Muqdisho waxaa si heer sare ugu socda tartan lagu xusayo xidigihii hore Xulka Qaranka Soomaaliya iyo kooxda Jeenyo Maxamed Xaaji Aadam (Uurey) waxaana ka qeyb galay ciyaartooydii hore iyo kuwa iminka dheela,iyadoo si wanaagsan loo hadlayo xiisaha tartanka lagu xusayo marxuum Uureey. 

“ Waan u mahad celinaynaa guddiga abaabulka tartanka lagu xusayo laacibkii hore Soomaaliya Maxamed Aadam waxayna noo tahay sharaf in aan dib u xasuusno taariikhda xidigihii hore dalka ” waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay ciyaaryahan Maxamed Maxamuud Xuseen.

tartankan oo si xiiso leh ugu socda magaalada Muqdisho ayaa iminka soo gaaray heer dhexe waxaana ciyaartooydii ay u mahad celiyeen guddiga abaabuulka ciyaarahan lagu waynaynayo marxuum Uurey.

“Sababaha aan qabanay tartankan waxa ay tahay in aan dib u xasuusano wax qabadkii iyo kaalintii uu kubbadda cagta dalka kulahaa marxuuma Maxamed Aadam Uurey,waxaanse iminka wadnaa tartamo kale oo lagu xusayo shaqsiyaadkii caanka ee ka baxay isboortiga Soomaaliya” ayuu Goobjoog u sheegay Sheekh Maxamuud Caddow oo ah qaban-qaabiyaha tartankan.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulan Ka Tirsan Tartamada Lagu Xusayo Laacib Uurey

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle