U bood dhigaalka

Teknoloojiyadda Oo Saameyn Ku Yeelatay Soo-saarista Wargeysyada

Warbaahinta waxaa ugu facweyn Wargeysyada  iyaga oo ahaa Isha kaliya oo laga xigan jiray xogaha iyo waxa  caalamka ku shaacsan.

Soomaaliya waxaa ay qeyb ka aheyd  wadamada uu saameynta xooggan ay ku la haayeen Wargeysyada waxaana aqrisan jiray dad badan oo Soomaaliyeed.

Inta aysan Soomaaliya xoriyadda qaadan waxaa soo bixi jiray Wargeysyo ku qoran afaf qalaad waxaa ayna dadka ula imaan jireen dadka wax yaqaanno si loogu aqriyo dadka aan garaneyn afafka qalaad.

Taariikhda ay soo mareen Wargeysyada Soomaaliyeed waa mid xasuus iyo dib u gocosho leh, Wargeysyada ayaa qiimo ku dhex lahaa bulshada wax aqriso.

Axmed Maxamed Dhicisow waa tafaftiraha Wargeyska Xamar waxaa uu Goobjoog News uga waramay sida ay ahaayeen Wargeysyada Soomaaliya.

“ 196-1970 dalka waxaa ka soo bixi jiray afar Wargeys oo shisheeye ay leeyihiin, waxaa ayna ku soo bixi jireen afafka Talyaaniga iyo Ingiriiska waxaa mid la dhihi jiray Somali News”.

Iibinta Wargeysyada iyo geynta goobaha lagu aqristo waxay aheyd shaqo u baahan qibrad waxaana jira dad qibrad muddo 30 sano ah u leh wareejinta Wargeysyada.

Cabdisalaan Maxamed Cabdisalaan waxaa uu Wareejiyaa Wargeysyada waxaa uu Goobjoog News u sheegay in ay caqabad kala kulmaan Tiknoloojiyadda casriga ah waxaa uuna yiri “Dadka qof kasta waxaa uu wataa laf Enternet ah oo dunida uu kala soconayo wixii dhacay, marka aad Joornaalka aad u geyso waxaa lagu dhahayaa mobilka ayaan ka aqrisaday, saas ay tahay welli waan ku adkeysaneynaa oo shaqadeennii waan sii wadnaa”.

Teknoloojiyadda uu caalamku ku tallaabsaday Soomaaliya waxaa ay uga dhigantahay mid yareysan aqriska Wargeysyada waxaana dad aan faro badneyn ay weli ku faro adeygayaan aqriska Wargeysyada.

Goobjoog News