Agaasimaha telefishanka SOMNEWS Xayaad Naaleeye ayaa waxay sheegtay in aanay jirin warqad ama qoraal kasoo gaadhay wasaaradda warfaafinta Soamliland taasi oo lagu amrayo inay shaqada joojiyaan.
Xayaad Naaleeye waxa kale oo ay sheegtay in aanu jirin war ama barnaamij qarannimada Somaliland ka dhan ah oo Telefishankaasi laga sii daayay isla markaana aanay garanayn sabab looga mamnuuco Somaliland.
Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayaa maanta faafisay war ku saabsan in telefishinada SOMNEWS iyo SBS laga mamnuucay Somaliland.
Goobjoog News