U bood dhigaalka

Tigray: Jabhadda Oo Maxaabiis Soo Bandhigtay, Dr. Debretsion Gebremichael Oo Muddo Kadib Caasimadda Ku Soo Noqday

Sheeko:Amniga

Xaaladda gobalka Tigrayga ayaa sii xuumatay saacadihi la soo dhaafay kadib markii ay qaramada midpoobay sheegtay in colaadda ay ku barakaceen dad aad u badan halka in kabadan 400,000 qof ay macluul soo foodsaartay.

Ciidamada difaaca Tigrayga ee TDF ayaa dhankooda soo bandhigay kumanaan maxaabiis ah kuwaas oo ay ku soo qabteen dagaalkii ka dhacay makelle.

Illa iyo 7,000 askar itoobiyaan ah ayeey TPLF qabatay kuwaas oo muuqala laga soo duubay ay muujinayeen iyaga oo raxan raxan waddooyinka loogu wareejinayo.

Jabhadda awoodda badan ayaa u muuqata mid deegana hor leh ka qabsaneysa dowladda Itoobiya oo aan jawaab ka bixin dhaq-dhaqaaqyada kooxda.

Xaaladda Magaalada Mak’elle oo ay Gacanta ku hayaan jabhadda TPLF ayaa aad u dagan xilli dadka gobalka ku sugan ay taagersan yihiin ciidamada difaaca Tigrayga TDF.

Gobalka ayaana weelli waxaa ka dhaqan gelin xabad joojin ay codsatay dowladda Itoobiya.

Hogaamiyaha TPLF Dr. Debretsion Gebremichael oo muddo duurka ku maqnaa ayaa yimid magaalada caasimadda gobalka Tigrayga, xilli ay soo dhaweeyen ciidamada iyo shacabka magaalada.

Goobjoog News