U bood dhigaalka

Tigree Oo Qabsaday Magaaloyin Xilli Ay Socoto Doorashooyinka Itoobiya

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya gobalka Tigree ayaa sheegaya in halkaasi ay ka qarxeen dagaalo u dhaxeeya Jabhaadda TPLF iyo ciidamada dowladda  Itoobiya.

Ciidamada difaaca Tigreega ee magacabooda looso gaabiyo TDF ayaa sheegay in ay la wareegen magaalooyin muhiim ah oo ka tirsan gobalka kadib dagaal ay la galeen ciidamada Dowladda.

Dagaalka ayaana la sheegay in uu ahaa mid culus kadib markii November sanadkii tagay dowladda Itoobiya ay sheegtay in ay ka adkaatay kooxda TPLF.

Wararka ka soo baxaya gobalka Tigree ayaa sheegaya in weli laga cabsi qabo in magaalooyinka qaar ay ka dhacaan dagaalo u dhaxeeya dowladda iyo TPLF.

Afhayeenka Jabhadda Gebre GebreTsadiq ayaa sheegay in ay TDF ay bilaabeen in ay qaadan weeraro joogta ah oo ay ku qabsanayaan deeganada qaar.

Afhayeenka ciidanka Korneel Getnet ayaa xaqiijiyay inuu dagaal jiro laakiin wuxuu beeniyay in magaalooyin, qalab ciidan ama askar la qabtay.

“Intii ay dawlada Itoobiya ku mashquulsanayd doorashooyinka qaranka iyo arrimaha GERD [biyo xireenka weyn ee itoobiya dhisanayso], argagixisada TPLF [oo qayb muhiim ah oo ka tirsan TDF], kuwaas oo ay weheliyaan dhalinyaro ay dhawaan qorteen, waxay si firfircoon uga qayb qaateen howlo argagixiso,” ayuu yiri.

Dalka Itoobiya ayaa hadda waxaa ka socda doorashooyinka Baarlamaanka iyo deegaanka, xilli gobalka Soomaalida iyo Gobalka Tigreega aysan ka qeyb galeynin

Goobjoog News