U bood dhigaalka

Tim Kaine Oo Noqonaya Ninka H. Clinton is garabsan Doonaan

Sheeko:Dalka

Hillary Clinton ayaa dooratay Tim Kaine in uu noqday ninka u ahaan doona madaxweyne ku xigeenka haddii ay guuleysato.

Tim Kaine oo 58 jir, waxaa uu ka soo horjeeda Dhiciska, waxaa uuna si weyn u taageersan yahay ganacsiga xorta ah.

Ninkan waxaa uu ka soo jeedaa Virginia halkaas oo la filayo in labada xisbi ay faraha iskaga gubtaan.

Tim Kaine waxaa uu ku hadlaa afafka Spanish-ka, waxaana la filayaa in Clinton ay taageero ka hesho dadka ka soo jeeda Latin America.

Goobjoog News