Tirada Arigii La Keeni Jiray Suuqyada Magaalada Muqdisho Oo Hoos u Dhac Laga Daremayo

Suuqyada magaalada Muqdisho ayaa xilligaan waxaa aad looga dareemayaa tiro yari ku aadan Arigii ganacsiga loo keeni jiray magaalada, ka dib markii saameyn uu ku yeeshay roobabka Xilliga Deyrta ee gobalada dalka ka curtay.

Mid ka mid ah ganacsatada Ariga ku iibisa magaalada Muqdisho oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in hadda uu aad u yar yahay tiro ahaan Ariga ganacsiga loo keeno Suuqayada magaalada.

Waxa uu sheegay in qiimo ahaan aanu jirin wax isbedalay oo ku yimid, hase ahaatee xilligaan ay tahay oo kaliya in suuqyada laga dareemayo hoos u dhaca ku yimid tirada arrigii maalin walbo la keeni jiray.

“Dhulkii laga soo rari jiray Ariga roob ayaa ka da’ay, tiro ahaan aad buu u yar yahay, lacagna kuma korhin, kamana yaraan” ayuu yiri ganacsadahaasi.

Inta badan Ariga magaalada Muqdisho loo iib keeno ayaa laga keeni jiray gobalada Dhexe iyo sidoo kale gobalada Baay iyo Bakool, waxaana la sheegay in ay adkaatay sidii magaalada Muqdisho loo keeni lahaa ka dib markii Roobabku ay biyo dhigeen wadooyinkii lasoo mari lahaa.

Goobjoog News

Related Articles

35 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW