U bood dhigaalka

Tirada Ciidamada AMISOM Ugu Dhimatay Soomaaliya Tan Iyo Sanadkii 2009 Oo La Shaaciyay

Sheeko:Dalka

Warbixin uu soo saaray Machad arrimaha militeriga ka faallooda oo saldhigiisu yahay magaalada Stockholm  oo la yiraahdo International Peace Research Institute ayaa lagu sheegay in ciidamada Amisom ay uga geeriyoodeen Soomaaliya 1,100 askari illaa iyo sanadkii 2009-kii.

Paul Williams, oo ah professor wax ka dhiga jaamacadda George Washington ee dalka Mareykanka ayaa sheegay warbixintani ay tahay mid qiyaas ahaan la aamini karo.

Paul Williams, waxa uu intaas ku daray in bandhiga warbixintaan uu diyaariyey International Peace Research Institute ayaa muujinaya in ciidamada Amisom laga dilay 69 askari sanadkii lasoo dhaafay.

Midowga Afrika ayaa iyana sheegay in tirada dhimashada ee la sheegay aysan ku jirin askarta aan xabaddu dillin ee u dhintay siyaabo kale sida jiro ama shil.

Warbixintaan uu soo saaray machadka saldhiggiisu yahay dalka Sweden ayaa tilmaameysa in qasaaraha dhimasho ee ciidamada Amisom uu intaan ka badan karo.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in qasaraha dhimasho ee ciidamada Amisom aysan ka mid ahayn kuwa ka socda dalka Kenya ee iyana ka mid ah hawlgalka nabad illaalinta ee Amisom.

Waxaan sidoo kale ku jirin tirada askarta laga dilay amisom ciidamada Ethiopia kuwaas oo dhintay intii u dhaxeysay dabayaaqadii sanadkii 2011-kii illaa horaantii 2014-kii, iyadoo ciidamada Ethiopia ay gacan ka siinayeen kuwa Amisom dagaalka ka dhan ah xarakada Al-shabaab.

Warbixinta uu diyaariyey machadka International Peace Research Institute laguma sheegin tirada ciidamada geeriyooday Labadii sano ee ugu horeeyey hawlgalka Amisom.

Ciidamada Amisom ayaa yimid Soomaaliya sanadkii 2007-dii  iyadoo ciidan tiradiisu tahay 1,600 oo askari kana socday dalka Uganda ay xeryo ka sameysteen meelo ka mid ah Muqdisho, ciidamada Uganda ayaa hadda tiradoodu tahay 22,000 oo askari.

Aqoonyahanada soo-saaray warbixinta ayaa sheegay in cilmi-baarista ay muujineyso in 110 askari oo dalka Uganda  ka socday iyo 95 askari oo iyana ka socday dalka Burundi ay ku geeriyoodeen Soomaaliya intii u dhaxeysay bishii march ee sanadkii 2007-dii illaa bishii February ee sanadkii 2011-kii.

Warbixinno kale oo iyana laga soo aruuriyey Amisom ayaa tilmaamaya in ciidamada ay soo gaareen qasaare dhimasho oo gaaraya 439 intii u dhaxeysay bishii August sanadkii 2009-kii illaa bishii September ee sanadkii 2012-kii, ilo kale ayaa iyana sheegaya in xataa warbixinta uu machadku soo saaray iyo tirada dhimashada ay intaasi kasii badan karaan.

Ku xigeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay Jan Eliasson ayaa sheegay in sanadkii 2013-kii laga dilay ciidamada Amisom askar tiradoodu tahay 3,000 tan iyo markii la billaabay hawlgalka Amisom sanadkii 2007-dii  laakiin mr Jan Eliasson cadeyn kama uusan bixin tiradaas dhimasho.

Professor Williams wuxuu sheegay ineysan macquul ahayn in ciidamada Amisom ee Soomaaliya ku dhintay la sheego tiradooda maxaayeelay wadamada Soomaaliya u diray ciidamada ma ogola iney sheegaan qasaarahooda .

professor Williams wuxuu sidoo kale sheegay ineysan jirin qiyaas la isku haleyn karo oo sheegeysa tirada dhimasho ee soo-gaartay xarakada Al-shabaab.

Warbixinta waxaa lagu sheegay iney Amisom horay u sheegtay in wadamada ciidamada u diray Soomaaliya ay tahay iney iyagu sheegaan tirada rasmiga ah ee ciidamada uga dhintay Soomaaliya.

Goobjoog News