U bood dhigaalka

Tirada Dadkii Ku Dhaawacmay Weerarkii SYL Ee Jiifa Isbitaallada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Habeenkii xalay ahaa waxaa qaraxyo iyo weerar toos ah lagu qaaday hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho halkaasi oo uu ka dhashay khasaare kala duwan.

Qaraxii ugu horeeyay ayaa loo adeegsaday gaari weyn oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaasi oo sababay khasaare xooggan.

Qaraxaasi ayaa gaaray xaafado ay ku sugan yihiin dad shacab ah, xarumo ganacsi waxaana sidoo kale uu gallaaftay shacab halkaasi marayey.

Hadaba Isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho waxaa la geeyay dad badan oo halkaasi ku dhaawacmay.

Isbitaalka Daaru Shifaa ee magaalada Muqdisho waxaa dhaawac ahaan la geeyay habeenkii xalay ahaa dad tiradoodu lagu sheegay 18 kuwaa oo dhammaan la seexiyay Isbitaalkaasi, sida ay inoo sheegeen saraakiil caafimaad oo isbitaalkaasi ku sugan.

Sidoo kale Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa isna ka mid ah Isbitaallada la geeyay dadkii ugu badnaa ee weerarkaasi waxyeellada kasoo gaartay.

Maamulka Isbitaalka Madiina ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in isbitaalkaasi la geeyay 35 ruux, 8 waa ay dhimatay 6 dhaawacyo fudud ayeey qabeen oo dib baa loo celiyay markii gurmad loo fidiyay halka 21 kale ay isbitaalka haatan jiifaan.

Hadaba isku darka dhaawacyadaasi jiifa Isbitaallada Madiina iyo Daaru shifaa ayaa ah 39 qof, waxaana markii lagu daro Lixda ruux ee guryahooda loo qaaday ay noqoneysaa wadarta dhaawaca 45 qof.

Goobjoog News