U bood dhigaalka

Tirada Gobollada ay Ardeyda Ku Galeen Imtixaanaadka Dowladda

Sheeko:Dalka

Waxaa markii ugu horeysay muddo 25 sano ah maanta dalka Soomaaliya ka dhacay imtixaan mideysan oo dowladda Federaalka ay ka qaadeyso ardayda ka baxa dugsiga sare ee bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Gobollada Imtixaanka ardayga ku galeen waxaa ka mid ah: Mudug, Hiiraan, Shabeelaha Dhexe, Bay, Jubbooyinka iyo Gedo.

Ilaa 5000 oo arday ayaa Imtixaanka u fariistay, Imtixaanka oo maanta bilowday waxaa ay ardayda galeen Soomaali iyo Geography.

Waxaa jira khilaaf u dhaxeeyay Dalladaha Waxbarashada dalka iyo dowladda oo ku aadan arinta imtixaan qaadista, Waxaa kaloo jira in ardayda dhamaantood aanaey heysan Kaararka Imtixmaanka.

Wixii Faahfaahin ah: Kala Soco Goobjoog News