U bood dhigaalka

Tiradii ugu Badnayd Oo Soomaaliya Ugu Geeriyootay Xanuunka Coronavirus

Sheeko:Caafimaadka

Sida ay shaacisay wasaaradda cafimaadka Soomaaliya waxaa gudaha Soomaaliya xanuunka COVID-19 ugu geeriyootay 6 ruux waana tiradii ugu badnayd ee dhimasho ah ooh al maalin la diiwaan galiyay.

24-kii saac ee la soo dhaafay baaritaanadii la sameeyay waxaa lagu shaaciyay kiisas cusub oo la xiriira caabuqa Coronavirus ka dib markii la diiwaan galiyay 49-kiis ooh or leh, waxaana wasaaradda caafimaadku ay sheegtay in xanuunka ay ka bogsadeen 3 qof.

Tirada guud ee Soomaaliya xanuunkaan saf marka ah ayaa haatan gaaratay 286-kiis, waxaana haatan wasaaradda caafimaadka ay walaac xooggan ka muujinaysaa in cudurkaan uu si tartib-tartiib ah ugu faafo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Dadka ayaa loo jeedinayaa wacyi galin ku aaddan sidii ay uga hortagi lahaayeen COVID-19 oo adduunka si adag u saameeyay kala xirayna isku furnaanshiyaha caalamka.

Goobjoog News