U bood dhigaalka

Tirakoob Muujinaya in Soomaalida ku nool magaalada Sioux Falls , Mareykanka kun iyo lix boqol oo qof

Sheeko:Dalka

Sida uu qorey wargeys Urgus Leader ee kasoo baxa dalka Maraykanka, tirakoob la sameeyey ayaa muujinaya in Soomaalida ku nool magaalada Sioux Falls (Suu Foolis) ee gobolka South Dekota ee dalka Maraykanka ay gaarayaan illaa kun iyo lix boqol oo qof, islamarkaasina soo kordhayaan.

Wargeyska ayaa tusaale usoo qaadanaya Soomaalida ku nool gobolka Minneapolis Soomaalida ku nool ay dhanyihiin illaa 40 kun oo soomaali ah, kuwaasi oo qeyb ka ah illaa 84 kun oo ku nool guud ahaan dalka Mareykanka.

Soomaalida waxa ay magaaladani si badan u degtey laga soo bilaabo sanadkii 2004-tii, hase yeeshee waxa ay saraakiisha dowladda sheegayaan in ay jecelyihin in ay u guuraan gobolka Minneapolis oo ay Soomaalida ku badantahay.

Wargeyska waxa uu muujinayaa walwal la xiriira dhalinyarada Soomaalida Maraykanka ee jihaad doonka, isaga oo tusaale usoo qaadanaya in laga soo bilaabo sanadkii 2006-d ay illaa 27 dhalinyaro ka tageen Maraykanka iyaga oo aaday Soomaaliya iyo meelo kale si ay jihaad u galaan.

Balse ma jiraan wax Soomaali ah oo ka tagay magaaladani Suu Foolis oo arrimahaasi lagu eedeeyey.

Goobjoog News