U bood dhigaalka

Tirakoobkii 6aad Ee Kenya oo Bilowday

Sheeko:Dalka

Tirakoobkii 6aad ayaa galabtii sabatida waxaa uu ka bilowday dalka Kenya, iyada oo la sheegayo iney jiraan caqabado xagga tiknolojiyadda ah.

Meelaha qaar ayaa la sheegayaa in Datada aan la qaadi karin halka ay meelo ka dib dhaceen geysmada.

Dadka Kenya ku nool ayaa lagu amray iney guryaha tagaan xilli hore si loo bilaabo howgalkan tirakoobka.

Nairobi ayaa la arkayey iyada oo qoraalka la bilaabay kadib 5-tii galabnimo, sida uu amray todobaadkii hore wasiirka arrimaha gudaha Fred Matiang

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxaa uu dadka reer Kenya ka dalbaday iney taageeraan howlgalka.

“Aan fulinno waxa nagala rabo” ayuu intaasi raaciyey.

Goobjoog News