U bood dhigaalka

Tiro Kamid ah Dagaalamayaasha Al-shabaab oo Iska Dhiibay Baydhabo

Sheeko:Amniga
Ciidamada amaanka  magaalada Baydhabo ayaa sheegay in dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab ay isku soo dhiibeen dhankooda, iyaga oo sheegay in tiro ahaan ay gaarayaan 10 xubnood.
Xubnahaan ayaa si gaar ah uga tirsanaa kooxda Jabhadaha, kuwaas oo inta badan ka dagaalama gobollada dalka,  iyagoo noqonaya tiradii ugu badneyd ee hal mar kasoo goostay Al-shabaab.
Dhinaca kale, maalintii shalay ayay ahayd markii uu degmada Xarardheere ee gobolka Mudug iska soo dhiibay Maxamed Amiin oo Al-shabaab ka yimid.
si kastaba ha ahaatee, shakhsiyaadkaan ayaa sheegay in ay ka faa’iideysanayaan cafiska madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane  Dr. Xasan Shiikh Maxamuud.
Goobjoog News