U bood dhigaalka

Tiro Madaafiic Ah Oo Ku Dhacday Xaafado Ka Tirsan Degmada Wardhiigley Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa tiro madaafiic ah oo duhurnimadii maanta ku dhacday xaafado ka tirsan degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho kuwaasi oo khasaare geystay.

Madaafiicdaan oo la sheegay inay ahaayeen hoobiyeyaal ayaa kusoo dhacay xaafado ku dhaw xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, iyadoo ugu yaraan Labo ruux ay ku dhaawacmeen sida Goobjoogayaal inoo sheegeen.

Saraakiisha ammaanka ee magaalada Muqdisho weli kama aanay hadal madaafiicdaan iyo sidoo kale halka laga soo tuuray.

Dhowr jeer sidaan oo kale maalin cad waxaa madaafiic loogu gaaracay xaafado ka tirsan degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho halkaasi oo khasaare badan uu ka dhashay.

1-dii February 2016 sidaan oo kale madaafiic degmada Wardhiigley loogu garaacay waxaa ku geeriyooday 1 qof oo shacab ah, halka 7 kalena ay dhaawacmeen.

Goobjoog News