U bood dhigaalka

Tiro Madaafiic ah oo laga maqlay xaafadaha Baladweyne

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay xiilli dambe xaafado ka tirsan magaalada lagu garaacay tiro hoobiyayaal ah.

Inta la xaqiijiyay afar hoobiye ayaa laga maqlay gudaha magaalada waxaana ay ku dhaceen xaafadaha Xaawa taako iyo Buundawayn.

Saddex kamid ah hoobiyayaasha ayaa la sheegay in ay ku soo dhaceen xaafadda Xaawo taako gaar ahaan laanta Nuur xawaad, halka hoobiyaha afaraadna uu ku dhacay Xaafada Buundaweyn agagaarka Xabsiga dhexe ee magaalada Baledweyne.

Illa iyo hadda macadda  khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay hoobiyayaasha, maamulka gobalka iyo kan magaaladana weli wax war ah kama aysan soo saarin

Goobjoog News