U bood dhigaalka

Toogasho Ka Dhacday Iskuul Ku Yaalla Dalka Canada

Sheeko:Dalka

Shan ruux ayaa lagu dilay tirakalana waa lagu dhaawacay toogasho ka dhacaday iskuul ku yaala galbeedka Canada sida laga soo xigtay Booliiska dalkaa.

Wararka ayaa sheegay in nin looga shakisanyhay in uu toogashada geystay la xiray halka iskuulka laga daad gureeyey caruurtii dhiganeysay si loo geeyo meel ammaan ah.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa yiri’’ weerarkani cid kasta ayaa ka naxday waxa uuna galiyey eheladii carruurta dhalay qaraw aad u qaraaar”.

Dad goobjoogayaal ah ayaa dhacdan ku sifeeyey mid murugo badneed oo ay arkayeen dad barooranaya iyo xabado dhacaya.

Sargaal sare oo ka tirsan Booliiska dalkaa ee  loo yaqaano RCMP  waxa  ay  sheegtay  in hadda xabsi lagu hayo ninka laga shakisanyhay kadib markii laga qaaday qori uu watay.

Warbaahinta CBC ee dalkaa laga leeyahay ayaa sheegtay in dad ka geeriyooday dhammaan bulshada halkaa dagani ay aad u yaqaaneen.

Booliiska dalkaa ayaa waxa uu baaraya toogasho kale oo ka dhacday goob kale oo aad uga fog meesha ay wax ka dhaceen oo Booliiska lagu soo wargeliyey.

 

Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa ammaanay ciidamada Booliiska dalkaa sida degdegta badan ee ay uga jawaabeen weerarada dhacay, taas oo uu ku tilamaamay mid geesinimo leh.

 

Ninka la aaminsanyahay in uu weerarka geystay ayaa la xiray 45 daqiiqo kadib markii dhacdu ay dhacday.

 

Goobjoog News