U bood dhigaalka

Toogasho Ka Dhacday Maraykanka

Sheeko:Amniga

Wararka laga helayo magaalada Uvalde ee gobalka Texas ee dalka Maraykanka ayaa sheegaya in nin dhalinyaro ah uu weerar ku qaaday arday waxbarasho ku jirtay.

Inta la xaqiijiyay weerarka oo loo adeegsaday mindi ayaa waxaa ku geeriyooday 19 qof, kuwaas oo u badnaa carruur iskoolka dhiganaysay.

Eedeysanaha dilka geystay ayaa lagu magacaaba Salvador Ramos, waxaana la sheegay in uu yahay wiil 18 sano jir ah, kaas oo ugu dambeyntii ay toogteen ciidamada booliiska Uvalde.

Dadka dhintay ayaa 17 kamid ah ay ahaayeen arday da’doodu ay aad u hooseyso kuwaas oo wax ka baranayay iskuul ku yaalla Uvalde, halka qofka kale uu ahaa macalin.

Dhinaca kale laba qof oo shacab ah oo ay kamid tahay haweeney 66 sano jir ah ayaa weerarka ku dhaawacantay, ciidamada booliiska ayaa dhankooda waxaa la sheegay in dhaawac uu ka soo gaaray weerarka.

Goobjoog News