U bood dhigaalka

TPLF: Inkabadan 5,000 Askar Ah Ayaa Welli Nala Joogta, Waxaan Sii Hayn Doonna Illaa Maxkamad Laga Soo Saaro

Sheeko:Amniga

Jabhadda Tigray-ga ayaa shaacisay in ay sii deysay ku dhawaad 1,000 askari oo ay horay uga soo qafaaasheen dowladda Itoobiya.

Debretsion Gebremichael, oo ah hogaamiyaha Jabhadda Tigreega (TPLF), ayaa  sheegay  inay sii daayeen 1000 askari oo dabley ah .

Hogaamiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay weli gacanta ku hayaan askar ka badan 5,000 askar oo ay ku jiraan saraakiisha Itoobiya.

” Inkabadan 5,000 Askar Ah Ayaa Welli Nala Joogta, Waxaan Sii Hayn Doonna Illaa Maxkamad Laga Soo Saaro ”ayuu yiri Gebremichael.

TPLF ayaa ka gaabsatay in ay cadeyso sida ay ku siideysay askartan, xilli Abiy dhawaan uu ku dhawaaqay in uu xirmay albaabkii Nabadda.

Kooxda TPLF dib ula wareegtay magaalada Mekelle kadib markii Bishii November dagaal uu horkacayo Abiy lagala wareegay magaalada xilli mudda dheer kadib jabhadda duurka lagu celiyay.

Sikastaba, kooxda TPLF ayaa wacad ku martay in ay dagaalka sii wadi doonto ilaa ay dib ugala wareegeyso gacan ku heynta dhulka lagu muransan yahay ee koonfurta iyo galbeedka Tigreega kaas oo ay ku qabsadeen dagalki ay kujireen xulafada dowlada ee amxaarada.

Kumanaan qof ayaa ku dhintay dagaalka,  ku dhowaad 2 milyan ayaa barokacay in ka badan 5 milyanna waxa soo wajahday cuna yari baahsan.

Goobjoog News