U bood dhigaalka

TPLF Oo Diiday Xabad Joojinta Abiy, Xaaladda Gobalka Oo Faraha Ka Baxday

Sheeko:Amniga

Waxaa saaka dagan xaaladda magaalada Mek’ele ee gobalka Tigrega kadib markii ay xalay la wareegen ciidamada TPLF.

Ciidamada xoreynta tigreega ee magacooda loosoo gaabiyo TDF ayaa lagu arkayaa saaka waddooyinka waaweyn ee magaalada, xilli shacabka ay soo dhaweyn ciidamada markii ay soo galeen caasimadda .

Jabhaddan oo dib isku soo abaabushay kadib markii uu ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, sheegay in uu dagaal kaga adkaaday ayaa wacad ku martay in ay xukuumadda kala wareegi doonto deegana badan.

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday xabad joojin gobolka ay dagaalladu halakeeyeen ee Tigreega, xilli xaaladda jawigu uu cakiran yahay.

Dhinaca kale TPLF ayaa ku gacan seertay xabad joojinta uu ku dhawaaqay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy, iyagoo sheegay in ay dhamaan gobalka ka saarayaan Cadawga (Dowladda Itoobiya).

Macadda khaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalada TPLF iyo ciidamada Itoobiya 24-ki saac ee la soo dhaafay dhex maray .

Dhanka kale Wasiirkii hore ee caafimaadka Itoobiya dowladdii Hailemariam Desalegn hadana ah agaasimaha guud ee hay’adda caafimadka adduunka Tedros Adhanom Ghebreyesus, Ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka markii TPLF la wareegtay Mak’ele ku ” Runta ayaa guuleysata” .

Qoraalka uu soo dhigay ayaa lagu sheegay in uu yahay mid uu ku taagerayo la wareegitaanka TPLF ee Mak’ele.

 

Goobjoog News