U bood dhigaalka

TPLF Oo La Wareegtay Gacan Ku Haynta Magaalooyin Cusub

Sheeko:Amniga

Jabhadda TPLF ayaa markale la wareegtay magaalooyin ka tirsan gobalka Tigrayga ee dalka Itooobiya, xilli ay gobalka ka wadaan dhaqdhaqaayo ciidan.

Xoogagga difaaca ciidamada Tigrayga ee TDF ayaa la wareegay saaka magaalada Shire, oo qiyaastii 140km (90 mayl) u jirta waqooyi-galbeed.

Getachew Reda, afhayeenka Jabhadda Xorraynta Dadka Tigray (TPLF), ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in magaalada ay haatan gacantooda ku jirto.

“Waa inaan hubinaa in cadowga uusan laheyn awood uu ku cabsi galiyo amniga dadkeena mar dambe,” ayuu yiri.

Xaaladda guud ee gobalka ayaa weli kacsan, Jabhadda ayaa sidoo kale sheegtay in ay qorsheyneyso la wareegitaanka gobalka Amaxaarada sida ay mas’uuliyiin u hadlay jabhadda ay sheegen .

Goobjoog News