U bood dhigaalka

TPLF Oo Shuruudo Hordhigtay Xabad Joojinta Itoobiya Ay Codsatay

Sheeko:Amniga

Waxaa sii kordhaya cabsida iyo xiisadda colaadeed ee ka jirta gobalka dhaca waqooyiga Tigrayga ee dalka Itoobiya .

Jabhadda iyo ciidamadeeda ayaa shuruuda ku xirtay in ay aqbasho xabad joojin Abiy uu ka codsaday kadib markii ay la wareegen in magaalada Mak’elle.

Shuruudaha ay jabadda ku xirtay ayaa waxaa ka mid ah In Maleeshiyaadka Amxaarada iyo ciidamada Eriteriya laga saaro gobolka Tigray laguna celiyo goobihii ay joogeen markii hore.

Ciidamada ayaa sidoo kale aqbalidda xabad joojinta waxa ay ku xireen si ay u aqbalaan  In Qaramada Midoobay ay sameyso hay’ad madax banaan oo baadha dambiyada ka dhacay gobolka tigrey, lana diyaariyo habab ku haboon oo dambiilayaasha lagu horkeeno maxkamadda dambiyada caalamiga.

Hogaanka jabhadda TPLF ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in si  Bilaa shuruud waa inaa gargaar bani’aadamnimo la gaadhsiiyo shacabka Tigray.

TDF ciidamada difaaca Tigrayga ayaa sidoo kale waxa ay ugu baaqeen xukuumadda si ay u aqbalaan xabad joojin gobalka ka dhaqan gasha in loo baahan yahay  Shacabka Tigray  inay si buuxda uhelaan dhamaan adeegyada aas-aasiga ah sida korontada, isgaadhsiinta, Bangiyada, Duulimaadyada, waxbarashada, daryeelka caafimaadka, Gaadiidka, iyo ganacsiga.

TPLF ayaa sidoo kale sheegtay in lagama maarmaan ay tahay in  in ay si toos in loogu ogolaado gobolka Tigray howlgalada duulimaadyada caalamiga ah.

Jabhadda ayaa sidoo kale sheegtay in  iyada oo aan wax shuruud ah lagu xidhin  la ogolaado Dawladdii Tigreega ahayd ee si dimuqraadi ah loo soo doortay ee xisbiga TPLF gadhwadeenka ka ahaa, iyadoo leh dhamaan awoodaheeda dastuuriga ah iyo masuuliyadeeda, inay dib u bilowdo shaqadeedii caadiga ahayd.

Tigrayga ayaa waxa ay ku amreen dowladda in  laga Noqdaa dhamaan Go’aamadii laga qaatay Gobalka Tigray Lana sii daayo Dhammaan siyaasinta u xidhan TPLF iyo Saraakisha Milatariga Itoobiga ee loo xidhay inay xidhiidh la leeyahiin Xukuumadda Tigray.

Ugu dambeyn Jabhadda TPLF ayaa ku baaqday  in la sameeyo hay’ad caalami ah oo madax-bannaan oo ka shaqaysa hirgelinta shuruudahan horudhaca ah ee xabad-joojinta iyadon waliba wax gorgortan ah laga galin karin.

Goobjoog News