U bood dhigaalka

Trump: Aad Ayaa Ugu Kalsoonahay Boqor Salmaan iyo Dhaxal Sugihiisa

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ammaanay boqorka Sacuudi carabiya Salmaan binu Cabdul Caziiz iyo dhaxal sugihiisa Maxamed Binu Salmaan, arrinkaani ayaa yimid ka dib markii ay ku dhaqaaqen madax ka tirsan boqortooyada Sacuudiga inay xirxiraan amiiro wasiiro hadda ka tirsan boqortooyada kuwaas oo ay ku eedeeyeen falal la xiriira musuq.

Trump ayaa yiri “Aad ayaan ugu kalsoonay boqor Salmaan iyo dhaxal sugihiisa”

Dhanka kale xeer ilaaliyaha guud ee Sacuudiga Sacuud Al Mucjib ayaa sheegay in wixii dhacay 4 November ay aheyd marxaladda koowaad ee lagula dagaalamayo musuq-maasuqa.

Tillaabadaas kadib ayaa Sacuudiga waxaa soo gaarayey dhaleeceemo uga imaanayay Iran iyo is bahaysigeeda, ka dib markii ay ku tuhuntahay ururka xisbullahi inuu sameynayo wax ka dhan ah waxayna ku tilmaantay  waxa loogu yeero dagaal ogeysiin.

Sacuudiga ayaa dhankiisa ku eedeeyay Iran inay ka dambeysay  gantaal ay xowthiyiinta ay ku soo rideen  Sacuudiga sabtidii la soo dhaafay.

Balse Iran waa ay iska diiday hadalka ka soo yeeray Sacuudiga,iyada oo hoosta ka xariiqday in Sacuudiga uu qalqal ammaan uu ka wado bariga dhexe.

Goobjoog News