U bood dhigaalka

Trump: Awood Ayaan Uga Jawaabeynaa Weerarkii Douma

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu ka qaadi doono tallaabo cidda lagu tuhmayo in ay adeegsaday weerarka Kiimikaalka ah ee ka dhacay magaalada Douma ee Suuriya.

Trump ayaa sheegay in arrintan uu la gorfeyn doono hoggaamiyaasha Millatariga, mas’uuliyadda weerarkana ay qaadi doonaan Xukuumadda Suuriya, Ruushka iyo Iran.

Waxaa circa iska shareeray cambaareynta loo jeedinayo weerarka Kiimikada ah ee ka dhacay Douma, safiiradda Mareykanka ee u fadhisa qaramada Midoobay Nikky Helay ayaa sheegay in Washinton ay ka jawaabi doonto weerarkan taasi oo sheegtay in Bishaar Al-asad uu qaadi doono mas’uuliyadda.

Goobjoog News