U bood dhigaalka

Trump Ayaa Soo Bandhigay Istiraatiijiyaddiisa Cusub Ee Ku Aadan Afghanistaan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo bandhigay Istiraatiijiyadda cusub uu ka yeelanayo dalka Afghaanistaan, iyada oo ay muuqato isweydiimo weyn oo ku saabsan tirada ciidamada Mareykanka ah eek u sugan dalkaas.

Afghaanistaan ayaa waxay ku sugneyd muddo dhan 16 sano dagaallo.

Madaxweyne Trump ayaa waxaa uu soo bandhigay aragtidiisa u aadan Mustaqbalka arrintaaan waxaa uuna sheegay in Mareykanka uu sii joogi doono meel walbo oo ka tirsan Afghanistaan iyo koofurta qaaradda Aasiya.

Hadalkaani ayaa waxaa uu imaanayaa xilli uu sheegay wasiirka gaashaadhigga Mareykanka James Mattis in maamulka Mareykanka uu istiraatiijiyad cusub uu ka gaarayo arinta Afghanistaan,balse Trump ayaa shaaciyay.

In ku dhow 8400 oo askari ayaa Mareykanka uga sugan Afghanistaan,halka sidoo kale ay ku suganyihiin 5000 askari oo raacsan ururka gaashaan buurta Nato kuwaas oo ciidamada Afghanistaan gacan ka siiyo dagaalka ay kula jiraan ururka Daalibaan.

Goobjoog News