Trump Iyo Tamiim Oo Ka Wadahadlay La Dagaalanka Argigixisada Iyo Xagjirnimada

Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamda Al Thaani iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isla gorfeeyay xiriirka istiraatiyajeed ee ka dhaxeeya labada dal, iyaga oo sidoo kale ka wadahadlay dadaallada lagula dagaallamayo xagjirnimada iyo argigixisada.

Arrinkan ayaa yimid markii Amiirka Qatar uu qadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Trump sida ay sheetay wakaaladda wararka Qatar ee QNA.

Intii uu socday xiriirka qadka telefoonka eel abada mas’uul waxaa lagu soo bandhigay xiriirka istiraatiyajeed ee ka dhaxeeya labada wadan iyo waddooyinkii lagu xoojin lahaa laguna horumarin lahaa danaha ay wadaagaan labada dhinac.

Trump iyo Tamiim sidoo kale waxaa ay ka doodeen dhowr arrimood oo taagan, oo ay ka mid yihiin la dagaalanka xagjirnimada iyo argigixisada iyo in la mideeyo dadaallada labada dowladood ee ku aadan dhinacaan.

Bishii June Qatar ayaa Mareykanka la saxiixatay heshiisyo ku qotoma la dagaalanka argigixisada, kaasi oo caddeynaya in labada dowladood ay is dhaafsadaan xogta ku saabsan sirdoonka, la dagaalanka maal-gelinta argigixisada iyo is weydaarisga dhanka qibradaha.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW