U bood dhigaalka

Trump Iyo Tamiim Oo Ka Wadahadlay La Dagaalanka Argigixisada Iyo Xagjirnimada

Sheeko:Dalka

Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamda Aala Thaani iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isla gorfeeyay xiriirka istiraatiyajeed ee ka dhaxeeya labada dal, iyaga oo sidoo kale ka wadahadlay dadaallada lagula dagaallamayo xagjirnimada iyo argigixisada.

Arrinkan ayaa yimid markii Amiirka Qatar uu qadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Trump sida ay sheegtay wakaaladda wararka Qatar ee QNA.

Intii uu socday xiriirka qadka telefoonka ee labada mas’uul waxaa lagu soo bandhigay xiriirka istiraatiyajeed ee ka dhaxeeya labada wadan iyo waddooyinkii lagu xoojin lahaa laguna horumarin lahaa danaha ay wadaagaan labada dhinac.

Trump iyo Tamiim sidoo kale waxaa ay ka doodeen dhowr arrimo oo taagan, oo ay ka mid yihiin la dagaalanka xagjirnimada iyo argigixisada iyo in la mideeyo dadaallada laba dowladood ee ku aadan dhinacaan.

Bishii June Qatar ayaa Mareykanka la saxiixatay heshiisyo ku qotoma la dagaalanka arrgigixisada kaasi oo caddeynaya in labada dowladood ay is dhaafsadaan xogta ku saabsan sirdoonka, la dagaalanka maal-gelinta argigixisada iyo is weydaarisga dhanka qibradaha.

Goobjoog News